top of page
Suurat Al-Faatixah
(THE OPENER)

بِسۡمِ ٱللهِ ٱلرَّحۡمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ (١

1. Magaca Eebe yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَـٰلَمِينَ (٢

2. Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka).​

ٱلرَّحۡمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ (٣

3. Ee naxariis guud iyo mid gaaraba
naxariista.

مَـٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ (٤

4. Ee Boqor hanta maalinta abaalmarinta
(Qiyaamada).​

إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ (٥

5. Adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga
unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa
(Eebow).

6. Ee nagu hanuuni jidka toosan(Xaqa).

ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٲطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ (٦  

صِرَٲطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ (٧

7. Jidka kuwii aad unicmaysay eedanu caroonin dhuminna.

Suuradani waa suurad wayn, Kitaabka Ilaahayna ka billowdo, wax walbana inlagu billaabo ay fiicantahay.Salaadana in lagu akhriyo ay waajibtahay.kulmisatayna Ammaanta Eebe, Mahadiisa, Qiyaamada, Cibaadada Eebe iyo kaalmo waydiisigiisa iyo Inuu ku toosiyo Jidka toosan ee xaqa ah, Jidkaasoo ah kay qaadeen Dadkii Fiic fiicnaa ee Eebe unicmeeyey oo ahaa Nabiyadii, Rumeeyayaashii, Shuhadadii iyo kuwii suubanaaba ee ka keexday Wadada kuwii loo carooday ee yuhuudda ahaa iyo kuwii dhumay ee Nasaarada ahaa.waxaana lagu magacaabaa Suuradan magacyo Badan oo ka midtahay Hooyada Quraanka. Nabiguna (Naxariis iyo Nabadgclyo Eebe Korkiisa hayeelee).Wuxuu yiri: Amarkastoon lagu bilaabin Bisinka waa Naaqus.Sidoo kale wuxuu yiri: Salaadu uma jirto Ruuxaan akhriyin Faataxada.Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Fadligeedana halkan kuma soo koobi karno waxaase fiican in la fahmo waxay kulmisatay laguna dhaqmo, Eebana dhab loo caabudo dhabna loo kaalmo waydiisto, had iyo jeerna la digtoonaado hanuun iyo toosnaanna Eebe la warsado iyo inuu kaa duwo jidka sun cy qaadccn xaqdiidayaashu iyo gaalada dhamaanteed. Rasuulkuna wuxuu yiri: Dhugbadane waa ruuxa naftiisa xisaabiya una camlfala Geeri dabadeed. (Naxariis iyo Nabadgalyo Eebe korkiisa ha yeelee).Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo kuwo kale.    Al-Faatixah (1-7).

Al-Faatixah - Ali Alhuthaifi
00:0000:00
Suurat Al-Faatixah
(THE OPENER)
BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page