top of page

MAAHMAAHYO

Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay Kadibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay.

 

Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa.

 

Maahmaahooyinka caan baxay waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhamaan Banii'aadamka da'diisa taasoo leh sidan:

 

Toban Jir hala kaftamin:(Ileyn haddii ka kaftan badisid waxaa lagu leeyahay ninka weyn ee caruurta la caytamaayo, haddii uu kaa kaftan badshane waa laguugu qoslaa labada marba.

 

50 jir lalama gartamo(da'diisa weyn iyo khibrada oo u leeyahay garta ayuu kuugu dilaa).
60 jir iyo lex jeclo(da'daa markuu gaaro ayuu insaanka ugu wax jecelyahay duunyo iyo dadba).


70 jir sariir lala ma wadaago(Ileyn ma seexanaayo xaago iyo qufac ayaadan ka joogi karine)

BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page