Wadada saxda ah.
- Mohamed Superhero
- Apr 13, 2016
- 1 min read

Waxaa jiray wiil dhalin yara ah oo 16 jir ahaa waxaa uu ahaa wiil ey waalidiintiisa ku dadaaleen tarbiyadiisa. waxaa u ahaa wiil diinta ku fir fircoona oona jeclaa mar walbo in afkiisa iyo gacantiisa dadka ey ka nabad helaan. Dad ma uusan dulmin jirin, salaadana waqtigeeda ayoo ku dukan jiri, sadaqada woo dhiiban jiray, macsidana woo iska ilaalin jiray. Waxaa u ahaa nin naftiisa ka adag.
Maalin maalmaha ka mid ah asagoo fadhiya masjid aqrinaayana qur,aan, waxaa u sugaayay salaada casir ilaa laga aqimaayo, kadib daqiiqado waxaa loo istaagay salaada, woxoo isku duubay kutubki uu aqrinaayi, woxoo u istaagay salaada in uu dukado kadib woo wareeray wadnaha ayaana aad u garaacmay. Woxoo ku dhacay dhulka. Waxaa ku soo kala orday dadki masjidka ku tukanaayi waxaa loola orday isbitaal. Marki diktoorka loo geeyay ayaa la baaray, diktoorka woxoo ogaaday in uu aad u xanuunsanaayo xaladiisana aad ey u xuntahay.
Kadib diktoorka oo naxsan oona is dhahaaya ninkaan bad baadi ayaa wiilki woxoo gacanta ka qabtay diktoorka, wax ayuu dhagta ugu sheegay, diktoorki woo ooyay. Wiilki woo asha haatay woona dhintay. kadib ayaa dadki wexey weydiiyeen moxoo kuu sheegay wiilkan intuusan dhiman markaas ayoo diktoorki yiri woxoo igu yiri, "diktoore waxba ha is daalin aniga booskeeyga aan janada ku lahaa hada ayaan arkaa".
..... subxaana allaah ..........
{ إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ }
Comments