top of page
Search

<<Qisadii Dadkii Daanyeerka Noqday>> (Asxaabul Sabti)

  • Mohamed A
  • Apr 14, 2016
  • 2 min read

Koox ka mid Yahuuda oo deganaa magaalo xeeb ku taala oo lagu sheegay inay tahay Eyla oo haystay diintii Nabi Muuse ayaa lagu imtixaamay innay kaluumaysan maalinta Sabtida oo ay cibaadaystaan kaliya. Yahuudii degenayd magaaladan ayaa Eebe ka dalbadheen maalin ay cibaadaystaan oo aan wax shaqo ah aanay qaban.

Kadibna Eebe waxa uu faray in maalinta sabtida ay cibaadaystaan oo aan loo ogolayn inay shaqaystaan ama kaluumaystaan, balse maalmaha kale oo dhan way shaqaysan karaan oo kaluumaysi tagi karaan. Ilaahay waxa uu ku imtixaamay Kooxdhaan in kalluunku debada usoo baxo maalinta sabtida ee aan loo ogolayn inay kaluumaysataan hase ahaatee maalmaha kale waa lagu ciriiriyey ama kalluunku maba yimaadaba xeebta oo waa la waayaa.

Yahuudii deganayd magaaladhaan way u dul qaadan waayeen imtixaankii oo waxay bilaabeen in ay khiyaameeyaan Ilaahay. Maalinta jimcaha ah ee loo ogolyahay kalluumaysiga ayey xeebta dhigeen shabaaktii lagu dabayey kalluunka, habeenkiina way kaga seexdeen si kalluunku markuu yimaadu maalinta sabtida ay ugu soo gasho shabaga, waxa kale oo la yiri godod ayey qodeen si kalluunka sabtida imanaya ay ugu gaadaan. Markay arrintii u suurta gashay ayey dadkii deganaa magaaladan u qaybsameen sadex qaybood. Qolodii kalluumaysatay waxay dhaheen; Anagu waxaan kalluumaysanay maalinta jimco oo naloo ogolyahay.

Qolodii labaad oo ahaa kuwa fiican ee aan ilaahay caasiyin ayaa dhahay; Eebe waxa uu inaga xaaraantimeeye kaluunka maalinta sabtida, idinkuna kaluunkii sabtida ayaad kaluumaysateen, waa khiyaano cad ee joojiya macsida aad wadaan. Qolodii sadexaad ayaa u tagtay qoladii wanaagsanayd oo ku dhaheen; Maxaad ka waaninaysaan qoom Ilaahay khiyaaneeyey oo Eebe caro kusoo ridayo. Kuwani halkii ay dadka ka wacdin lahaayeen ayey kuwii wanaagsanaa ee xumaanta reebayey niyad jabiyeen.

Kuwii wanaagsanaa waxay dhaheen: Anaga waajibka na saaran ayaa ah inaan waanino dadka xumaanta falaya, haday doonaan ha dhagaystaan ama ha diidaan ee waajibkayna ayaa ah inaan u nasteexayno cid kasta. Dadkii deganaa magaaladan ee aan ka qaybgalin kalluumaysiga xaaranta ah waxay xireen guryahoodii oo ka fogaadeen xumaanta iyo xeelaada farsamaysan ee Yahuudaasi falayeen.

Maalintii danbe ayaa dadkii sabtida kalluumaystay ay isu badaleen Daanyeero, subxaanAllah. Kadibna waxay u tageen ehelkoodii ayagoo aan hadli karayn, markay ehelkoodii arkeen ayey canaanteen oo ku dhaheen miyaanan idinka reebin xumaanta iyo khiyaanada maalinta sabtida, daanyeeradiina waxay ruxeen madaxa oo dhaheen Haa.

Eebe waa ciqaabay kuwii ku xatgudbay maalintii sabtida, kuwii kale ee wanaagsanaana waa koryeelay oo ka badbaadiyey cadaabkii. Kuwii kale ee ayaguna aan xumaanta samayn laakiin aan cidna waanin ayagana waa laga aamusay. Waana laysku khilaafay in ayagana la badbaadiyey iyo in ayagana lala cadaabay kuwii falka xun ku kacay.

{وَاسْأَلْهُمْ عَنِ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ حَاضِرَةَ الْبَحْرِ إِذْ يَعْدُونَ فِي السَّبْتِ إِذْ تَأْتِيهِمْ حِيتَانُهُمْ يَوْمَ سَبْتِهِمْ شُرَّعًا وَيَوْمَ لَا يَسْبِتُونَ ۙ لَا تَأْتِيهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَبْلُوهُم بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ}

{Waydii (Yuhuuda) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xatgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqnimadooda Darteed}.


 
 
 
Who's Behind The Blog
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon
BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page