top of page
Search

Wiil Gubay Gacantiisa asaga oo ka baqaya Cadaabka Naarta.

  • Mohamed A.
  • Apr 13, 2016
  • 2 min read

Gabar dhalinyaro ah ayaa u baxday safar iyagoo jecel inay wax soo baaraan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadib waxay gaareen meel laga guurey,gabar gabdhaha ka mid ah waxayka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, ma...rkii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabartiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.

Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan,way gar garaacdey wiil dhalinyaro ah ayaa ka soo baxay,waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne Gabartii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey, Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabarta way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.

Markuu xoogaa jooga ba shamacaayuu gacantiisa saaraa oo ku gubaa, waagii markuu baryey isagoo fara guban ayuu gabartii ka xeeyey, gabadhuna waxay moodaysay inuuba jin yahay ninkaan farihiisa gubaya.

Markay aabaheed u tagtey ayeey qisadii uga sheekaysey kadibna odaygii waa rumaysan waayey, wuxuu is yir gabar dhalinyaro ah nin kama bad baadayso waxbaa jira, Odaygii wuxuu iska dhigey Nin safar ah Meeshii ninkii joogey ayuu tagey, kadibna ninkiidhalin yarada ahaa ayaa marti qaadey, Markii la is waraystey odaygii wuxuu arkey wiilka farahaguban, maxaa kugu dhacay buu ku yiri, wuxuu yiri waxaa igu dhacay, gabar dhalin yaro ah oo lunsan baa habeen dhawayd ila soo seexatey qolkan yar, kadibnashaydaankii ayaa i amrey inaan kashaqaysto, markasta oo uu i amro inaan ficil xun ku sameeyo gabartas dabkaas ayaan gacantagaliyaa, Odaygii go'aan wuxuu ku gaaray in uu wiilka gabarta u guuriyo sidaas buuna ku guursadey gabartii.

Wuxuu ka tagey xaaraan Hal habeen ah, ilaahayna waxa uu siiyey xalaal lagu waaro. ilaahay khayrka ha inawaafajiyo xumaha iyo sharkana ha inaga badbaadiyo.


 
 
 
Who's Behind The Blog
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon
BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page