top of page
Search

Qisadii Ibnu Siiriin iyo Wiilkii Yaraa.

  • Mohamed A.
  • Apr 13, 2016
  • 2 min read

Maalin Maalmaha Ka mid ah Ibnu Siiriin Waxa uu Soo Galay Masaajidda mid ka mid ah. Waxa uu yiri waxaan ku arkay wiil da'diisu ay ka badneen ilaa iyo 10 sano jir. Qiyaas bal maanta tobanjiryadeena iyo xaalkooda, in yar uu ilaahey hanuunshay maahane. Da'diisu waa 10 sano jir waxa uuna u taagan yahay Salaad, waxa aadna moodaa jirida geed timireed Khashuuciisa aawadeed. Imam ibnu Siiriin - Marki uu Salaadi dhameeyay ayaa waxa aan ku dhahay " ii kaalay wiilkeygiyow , ina aya tahay?

Wiilki yaraa waxa uu ku jawaabay " waxa aan ahay agoon hooyo iyo aabo midna u joogin aduunka. Imaamki Waxa uu yiri : Raali ma ku noqoneesaa in aan kuu noqdo Aaabo oo arimaahaga kafaalo qaado?

Wiilki yaraa waxa uu yiri: haa balse hadii ii fulin karto shuruudo shan (5) ah.

imaamki waxa uu yiri: Waamaxa Shuruudahaasi?.

Wiiki yaraa : Cunto ma isiiinee hadii aan baahdo?

Imaamkii: Haa ilaa aad ka dharagto.

Wiiki yaraa: Ma i waraabineesaa hadii aan oomo?

Imaamkii: Waan ku waraabinaayaa ilaa aad ka oon goyso.

Wiiki yaraa: Ma i arad tireesaa hadii dharka iga dhamaadaan?

Imaamkii: Haa waxa aan kugu arda tiraa dharka midka ugu qurxoon.

Wiiki yaraa: Caafimaad ma isiinee hadii aan xannunsado? Imaamkii: Markey jiro Timaado waan ku daaweynaa lkn Allah ayaa caafimaadka bixiyo.

Wiiki yaraa: Ma inooleeneysa hadii dhacdo inaan dhinto Imaamkii: Subxanallah , Markey timaado arinkaas maya , sababtoo ah geeri iyo nolol Allah gacantiisa ayee ku jiraan.

Hadaba Maleyso Jawaabta Wiiki Yaraa Waxa Ay Noqotay.

Waxuu yiri wiiki yaraa: Ninyahow i dhageeso , Hadii aadan awoodin inaad i caafiso marka aan jirado ama aad i nooleyso markaa dhinto iga tag hadaba.

Allihi ii abuuray oo i hanuuniyay ayaa i quudinaayo ina waraabinaayo ina caafinaayo hadii aan jirado , Allah ayaa idilaayo ina nooleynaayo.

Wiilki Yaraa ilaahey ayuu talo saartay , Allah ayaana ku filnaaday.


 
 
 
Who's Behind The Blog
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon
BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page