Qisadii Saamiri
- Mohamed A.
- Apr 25, 2016
- 3 min read

Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Musse, waana ninkii u hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii. Ninkan magiciisa waxa la oran jiray Muuse waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon.
Markii Fircoon la halaagay ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) kaga tagay qoomkiisa walaalkii Nabi Haaruun si uu ula kulmo Ilaahay Subxaana wa tacaala. Nabi Muuse waxa uu tagay Buurta Duur isagoo doonaayo in uu la hadlo Allah (S.W).
Saamiri markuu arkay in Nabi Muuse tagay ayuu soo saaray dhoobo/ciid uu kasoo qaatay raadkii Malakul Jibriil. Samiri waxa uu arkay meel kasta oo raadka faraska Malakul Jibriil ku istaaku ay isu badalayso akhdar (Doog) taas oo ka dhigaysa in dhulku noolaado dabadeedna raadkii Faraskii Malakul Jibriil ayuu ka qaatay ciid.
Dumarkii reer banu Isra’iil ayuu Saamiri ka qaatay dahabkii iyo jawharaadkii ay kasoo daynsadeen haweenkii Masaarida. Dabadeedna dahabkii ayuu kasoo ururiyey waxaanu u ekeysiiyey Dibi kadibna waxa uu ku tuuray ciidee ee uu kasoo qaatay raadkii Faraskii Malakul Jibriil.
Markuu ku tuuray ciidii ayaa dibigii ciyey sida sacuhu u ciyaan, waxuuna ku yiri qoomkiisii waa kan Ilaahiinii iyo Ilaahii Muuse, markay maqleen codkii dibiga ayey reer bani Isra’iil ku dawaafeen sanamkii hareertiisa ayagoo faraxsan, wayna caabudeen sanamka Ilaahay qayrkii.
Nabi Haaruun (N.N.K.H) waxa uu ku yiri; Qoomkaygoow waa laydinku fitneeyey sanamkan ee Eebihiin waa Rabbiga Raxmaanka ah ee i raaca oo amarkayga maqla. Waxay ku dhaheen Haaruun: Kama tagayno sanamkan ilaa uu Muuse soo noqdo.
Markuu Nabi Muuse soo noqday ee uu arkay in qoomkiisii caabudeen sanam, ayaa alwaaxdii Tawraadka ee la siiyey ayuu dhulka ku dhuftay, kadibna isaga oo caraysan ayuu jiiday walaalkii Haaruun madaxiisa iyo garkiisa isagoo ku leh Haaruunow maxaad iigu soo sheegi wayday inay caabudayaan Sanamkan Ilaahay qayrkii.
Nabi Haaruun waxa uu yiri; (Walaalkay ay hooyaday dhashow waxaan ka cabsaday inaad tiraahdo reer banu Isra’iil ayaad kala kaxaysay oo aan hadalkayguna ku cajab galin, sidoo kale waxaan ku dhowaaday inay idilaan ee ha iga mid dhigin qoomkan daalimiinta ah). Nabi Muuse waxa uu dhahay; (Ilaahayoow, Aniga iyo Walaalkay noo danbi dhaaf, nana gali Jannadaada adigaa ah uku raxmad badane)
Nabi Muuse qoomkiisii ayuu waydiiyey sababta ay amarkiisii ku caasiyeen isagoo dhahaya; Waxaa xun waxaad fasheen, ma waxaad kalaafteen amarka Eebihiin. Waxay dhaheen: Waxaan soo qaadanay dahabkii qoomkii Fircoon, kadibna waan ururinay waxaanan u dhiibnay Saamiri isaguna sidaasbuu ku sameeyey sanamkan.
Nabi Muuse wuxuu ku yiri Saamir; Maxaa kugu kallifay falkan xun ee aad sameysay? Waxa uu dhahay; Waxaan arkay raadkii Malakul Jibriil kadibna dibiga ayaan ku tuuray, sidaasbayna naftaydu ii qurxisay. Nabi Muse wuxuu yiri tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tiraahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn (maalinta qayaame).
Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jirkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jirkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu dhahaayay ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qayaame.
Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu gubay sanamkii kuna tuuray badda kadibna reer banu Isra’iil ayuu ka dalbaday inay cabaan biyaha. Cidii sanamka caabuday afkooda waxa kusoo harayey book dad kale waxay dhaheen ciid taas oo muujinaysa inuu caabuday sanamka waxa kale oo la yiri wajigooda ayaa midabka jaalaha noqonayey. Kadibna Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu ku yiri; Ilaahiin waa Allah, kaas oo ah Eebaha xaqa lagu caabudo. Eebe caro ayuu kusoo rogay iyo dullinimo cidii caabuday sanamka.
Nabi Muuse waxa uu Allah ka dalbaday in uu cafiyo oo ka toobad aqbalo cidii caabuday Dibiga, markaasuu Ilaahay kor ahaayee ku xiray towbadooda shardi ah inay is dilaan. Waxa la yiri; Maalin ayey kuwii aan caabudin sanamka qaateen seefaf kadibna weerareen cidii caabuday dibiga, Eebana ceeryaamo ayuu keenay si aanay isu garanin markay is dilayaan.
Hal maalin kaliya waxa la dilay todobaatan kun oo qof. Markii dad badan dhinteen ee Nabi Muusana xanaaqii ka tagtay ayuu Eebe u danbi dhaaf warsaday. Eebana waa u danbi dhaafay laakiin shardi waxa ahayd inay galaan dhulka barakaysan ee Falasdiin.