top of page

Qisadii Xajaaj Binu Yusuf iyo Wiilkii Yaraa.

  • Mohamed A.
  • May 6, 2016
  • 16 min read

Qiso dhex martay Xajaaj bin Yusuf oo ahaa Amiirkii Ciraaq iyo Shaam iyo Wiil-Yar oo Ilaahay xikmad iyo cilmi ku manaystay oo ka dhashay qabiilka reer banu Haashim.

Qisadani waxay dhax martay Xajaj binu Yuusuf al-saqafi oo amiir ka ahaa dhulka ciraaq dawladii umaawiyiinta xiligeedii iyo will yar oo ka dhashay reer Binu Haashim, xajaaj waxaa abtiyaal u ahaa reer binu umaya oo mucaawiye ka dhashay, wiilkuna waxaa uu isir ahaan ka soo jeeday binu haashim oo cali binu abuu daalib ka soo jeedo dagaalna uu ka dhaxeeyay labdan qolo ee reer binu haashim iyo reer binu umaya.

Qisadu waxay ku bilaabmaysaa in maalin maalmaha ka mid ah uu xajaaj binu yusuf al-saqafi oo amiir ka ahaa wadanka ciraaq uu maalin u baxay ugaarsi si uu ugaarsi u soo samaysto, xajaaj markii uu banaanka magaalada uu maraayo ayaa waxa uu la kulmay wiil yar oo gacanta ku haya xarig ay sagaal EY ku xiran yihiin, xajaaj waxa uu soo dul istaagay wiilkii yaraa waxaana uu waydiiyay suaal, waxa uu ku yiri wiilyahow yari maxaad samaynaysaa.

Wiilkii yaraa inta uu kor u eegay buu waxa uu yiri waxaad ii sidaa war aanan ku farxin, waxaad igu eegatay indho dadka lagu liido, waxaad igula hadashay hadal islawayni ku jirto, hadalkaagu ruux isla wayn buu u eg yahay, caqligaaguna caqli dameer buu u eg yahay, xajaaj waxa uu yiri ima garanaysid miyaa? Wiilkii yaraa waxa uu yiri wajigaaga madawgiisa ayaan kugu gartay markaad hadal igu bilawday adigoo i salaamin, xajaaj waxa uu yiri waar hooge soow ma ogid inaan xajaaj binu yuusuf ahay? Wiilkii yaraa waxa uu yiri illahay gurigaaga ma soo dhaweeyo, martidaadana Ilahay kuuma sooro, hadal badnidaa oo karaamo darnidaa.

Markii xajaaj iyo wiilkii yaraa ay intaas is waydaarasadeen, xajaajna aanuu wali hadalkii dhamayn ayaa waxa u imaaday askartii ilaalada u ahayd xajaaj, waxana ay dhaheen taliye hadal waan ku maqlaynaaye na amar waan samaynaynaaye, xajaaj waxa uu yiri wiilkan yar ii qaada oo meel qasrigayga ka mid ah iigu xira hadalkiisii aad buu ii xanuujiyaye.

Xajaaj ugaarsigiisii buu iska soo dhamaysatay, markii uu qasrigii ku soo laabtay ayuu yiri halay keeno wiilkii yaraa. Wiilkii baa la keenay qasrigii xajaaj uu fadhiyay ee uu ka talinayay iyadoo ay la fadhiyeen qolo masuuliyiintiisii ka mid ah, markii uu wiilkii soo istaagay goobtii xajaaj joogay ayuu wiilkii yaraa salaamay oo yiri, Asalaamu calaykum. Lakiin wax salaantii ka qaada ma uusan helin, markaas ayuu inta uu hareeraha eegay wiilkii yaraa akhriyay sadexdan ayadoo ee ka aha (meel kasta waxaa aad ka dhisaysaan calaamo) ( waxa uu aad ula yaabay quruxda guriga uu xajaaj dagan yahay), warshado ayaad dhisanaysaan sida idinkoo aduunka ku waaraya oo dhimanayn, hadaad ruux qabataan si aad u xukuntaan waxaad qabanaysaan idinkoo xad-gudbay oo jabaariin madax adag ah).

Xajaaj oo dhabardhabar u jiifay ayaa soo fadhiistay, dadkii xajaaj ka ag dhawaa ayaa wiilkii yaraa ku yiri wax edab ah ma lihid, ma garanaysaa qofka aad sidan ula hadlayso, markii aad soo gashayna ma aanad salaamin salaan u qalananta. Soo ma ogid inaad ku jirto guriga amiirkii ciraaq.

Wiilkii yaraa waxa uu yiri waxaad tihiin digada dameerka oo kale, inaan salaanta noocaas ah ku salaamo xajaaj waxaa ii diiday waan daalay. Waayo waxaad isoo mariseen wado dheer iyo jaranjarooyin badan markaan guriga soo galayay, salaanta aad doonaysaan inaan xaajaj ku salaamo waxaa ku salaami lahaa amiirkii muslimiinta (Cali Ibn Abi dhaalib) iyo asxaabtiisa.

Xajaaj waxa uu yiri wiilyahow maanta waxaa soo dhamaatay rajadaadii ahayd inaad sii noolaato oo waxaa soo dhaawatay geeridaadii waayo waxaa tahay wiil da’yar, wiilkii yaraa waxa uu yiri, xajaajoow haday geeridaydu gacantaada ku jirto ma dhibsanyo waxaad iku tiraado, kadib waxaa hadal ku bilaabay dadkii xajaaj ku dhawaa oo dhahay wiil xun baad tahay oon edab lahayn, markaad sida wiilasha facaaga ah ula hadlayso amiirka miyaad ogayan inaad lahadlayso amiirkii ciraaq iyo shaam.

Xajaaj ayaa bilaabay inuu sua'alo waydiiyo wiilkii yaraa, waxana uu yiri wiilyahow markii dhawayd ee aad lahayd salaanta gaarka ah yaad ula jeeday salaantaas? Wiilkii yaraabaa yiri waxaa ula jeeday amiirul muumin, Cali Binu Abu Daalib iyo asxaabtiisi baan ka waday oon ula jeeday, adigana xajaajow hadii lagu dhihi lahaa qof salaan yaad salaami lahayd?

Xajaaj: Waxaan salaami lahaa cabdimalik binu marwaan (Cabdimalik Ibn Marwaan waa reer binu umayaha waana boqorka wakhitigaas talinaayay ee xajaaj uu ka amar qaato)

Wiilkii Yaraa: Ma cabdimaliga faajirka ah baad salaami lahayd, nacalada Alle ha ku dhacdo tee Malaaikta iyo dadkabaa. Dadkii goobta fadhiyay ee xilka xajaaj wax ka haayay baa xajaaj ku yiri, xajaajow wiilkan yar dil waayo waxa uu ka baxay daacadii amiirka iyo in jamaacada lagu dhex jiro oon laga dhex bixinba debada ayuu ka yahay, cabdimakil binu marwaana waa aflagaadeeyay in la dilo ayaan ku xukunay ee dil.

Wiilkii yaraabaa waxa uu xajaaj ku yiri dadkan edab u yeel, waa dad jaahileen ah, waxaan ahay ma fahmayaane. Xajaaj baa dadkii ku yiri ka aamusa idinku oo ii daaya aniga.

Xajaaj: Ma garnaysaa walalkagay? (waxaa xajaaj walal la ahaa mid dhib badan oo yeman masuul ka ah)

Wiilkii yaraa: Haa waan garanayaa walalkaa oo waa fircoon markii uu nabi muuse iyo haruun oo wada socdaa u yimaadeen fircoon dadkii la fadhiyay buu la tashaday adigana fircoon baa walal kula ahoo dadka kula fadhiya ayaad la tashanaysaa.

Xajaaj: Waxaa uu dadkii la fadhiyay ku yidhi qoorta ka gooya mar hadiiba uu fircoon soo qaaday.

Cuqaashi nin la yiraado oo ahaa dadkii goobta fadhiyay ayaa waxogaa intuu wiilkii yaraa u naxay yiri, xajaajow alle ha kuu gargaaree isku day in aanad dilin wiilkan oo aniga isii anigaa akhlaaqda u hagaajinaye oo barbaarniye.

Xajaaj: kaxayso waa kaase Alle kuuma barkeeyo.

Wiilkii yaraa: u mahad celin maayo kii ibixiyay oo ah xajaaj (mahad ma mudna ) iyo cuqaashi oo la isiiyay midna mahad ma mudana inay dil iga bad-badiyeen.

Cuqaashi: waryaa sidee u hadalaysaa inaan geeri kaa bad-baadiyaan doonayaya adiguna waxaa leedahay mahad iguma laha oo hadalkan maad igla hadalaysaa buu yiri, inta uu xajaaj eegay oo buu ku yiri, ma rabo amiiroow inan ka xaysto ee waxaa rabto ku samee waa wiil edab darane.

Intaas ka dib ayuu xajaaj bilaabay inuu waraysto wiilka xaga uu ka yimid iyo deegaanka uu ka soo jeedo isir ahaan, wiilkii yaraa isagoo eegay fikrada uu ka qabo xajaaj dhulka badan ayuu kolba sheegtay maagalo isagoo xajaaj tijaabinaya waxa uu ka aaminsan yahay dhulalkaas kale duwan, waxaan uu yiri xaajaaj.

Xajaaj: wiilyahow idhagayso, wadan keed ka timid?

Wiilkii: waxaan ka imid wadanka masar.

Xajaaj: waxaad ka timid magaaladii faasiqiinta, waayo waxaa ku nool dumar heesaha ciyaara oo meelahaas ka bood-booda, biyaheedana waxaa lagu cabaa weelal dahab ah, wabiga niil waa wabi cajiiba oo dadku ay la yaabaan, dadka ku noolana wabiga agtiisa carabna maaha cajabna maaha.

Wiilkii Yaraa: anigu hadaba magaaladaas kaam iman la soco, waxaan ka imid ahlu khuraasaan (dhulkii ay ka soo baxeen bukhaari iyo muslim waa wadamada Iran iyo afgaanistaan)

Xajaaj: Meel ka sii shar badan baad ka timid, diintuna ay ku yar tahay waayo waa dad cajaba ah oon carab ahayn waa sida xoolaha ariga, geelga iyo lo’da oo kale, hadalkood waa culus yahay oo lama karo, midkooda qaniga ah oo hantida lehina waa bakhayl.

Willkii Yaraa: Hadaba anigu magaaladaas kama aanan iman, waxaan ka imaaday dhulka shaam la yiraado.

Xajaaj: Waxaad ka timid dhul fiican (waa dhulkii mucaawiye looga gar-garaay markii ay cali is la dagaalayeen) lakiin, waa dhul aan anigu necebahay waa meel dadka ka yimaada uu jirkoodu uu adag yahay.

Wiilkii Yaraa: Anigu hadaba dhulkaas kama aanan iman, waxaan ka imid dhulka yeman.

Xajaaj: Waxaa ka timid magaalo aysan dadkeed garanayn hadii ixsaan, wanaag iyo samo fal loo sameeyo erayga ah (waad mahadsan tahay) waayo codkoodu wuu mac yahay, hadalkooduna waa uu jilicsan yahay, midkooda caqliga badani waxa uu isticmaalaa muusiga iyo heesaha, kooda jaahil ka ahna khamiriga ayuu cabaa.

Wiilkii Yaraa: Hadaba aniga kama mid ahi kuwaas kamana aanan dhalan, waxaan ka imaaday dhulkii barkaysanaa ee maka oo reer makaan ahay.

Xajaaj: Waxaad ka timid kuwo shar badan oo jaahiliin dhul ay ku nool yihiin waayo qolo uu illahay nabi wanaagsan ka soo dhex saaray, nabigii bay ereyeen oo beeneyeen, qolo ayuu illahay ku bad-baadiyay oo uu kusoo dhaweeyay kuwaas oo jeclaaday oo karaameeayay (reer madiina).

Wiilkii Yaraa: Hadaba aniga dhulkaas kama aanan iman?

Xajaaj: Wiilyahow jawaabahaagu way igu bateen qalibgayguna waxa uu ii sheegayaa inaan ku dilo.

Wiilkii Yaraa: Xajaajow hadii geeridaydu gacantaad ku jirto adigaaban ku caabudi lahaa ee xajaajow waxaad ogaataa inaan ka imaaday magaaladii rasuulka (NNKHA) ee madiina.

Xajaaj: Waxaad ka timid magaalo wanaagsan, dadka dagani waa ehulu iimaan leh, waa dad wanaag jecel, ee qaliibkee baad ka dhalatay?

Wiilkii Yaraa: Waxaan ka dhashay qabiil la dhaho binu qaalib oo isir ahaan uu ka dhashay cali binu abuu dhalib, nasabkayganu waligii ma baaba’aayo oo waligii waan jiraynaa.

Xajaaj intuu aad u carooday ayuu yiri;

Xajaaj: Wiilkan madaxa ka gooya. Dadkii meesha fadhiyay oo caadifada nabigu wax yar ayay qaaday oo waxaa ay yiraadheen, xajaajow wiilka waa wiil yare ee maad iska daysid ma mudan in la dilo.

Xajaaj: Maya waa in la dilaa xataa hadii mid samada ka dhawaaqo uu dhaho/yiraado hal daayo.

Wiilkii Yaraa: Nabi ma tihid ee yaa samada kaaga dhawaaqaya?

Xajaaj: Oo inaan ku dilo oo nafta ku dhaafiyo yaa iga kaa hor taagan?

Wiilkii Yaraa: Waxa iga kaa hor taagan oo inaad idhisho kuu diidaya allaha kala dhex gala qofka iyo qalbigiisa.

Xajaaj: Illaahaga aad sheegayso isagaa igu kaalmayna inaan ku dilo.

Wiilkii Yaraa: Illaahay kuguma kaalmaynayo ee shaydaankaaga ayaa kugu kaalmaynaya inaad idhisho ee illaahay baan ka magan galay adiga iyo shaydaankaba.

Xajaaj: Wiilyahow waxaan arkaa in jaawabahaagu igu bateen ee waxaad ii sheegtaa waxa ruuxu alle ugu dhawaado?

Wiilkii Yaraa: Waxa uu ruuxu alle ugu dhawaado waa soonka, salaada, sakada iyo xajka.

Xajaaj: Anigu waxaan illahay ugu dhawaanayaa dhiigaaga waayo waxaad I tiri waxaan ahay ilmihii faracii xasan iyo xuseen. xajaaj oo raadinay wax uun uu ku daayo wiilkan yar ayaa waydiiyay.

Xajaaj: ii sheeg wiilyahow yaa ku dhalay? Wiilkii yaraa isagoo hadalka ku adkayn ayuu ugu jaawaabay.

Wiilkii Yaraa: Waxaa idhalay hooyo iyo aabo uun baa idhalay.

Xajaaj: Xageed baad ka timid?

Wiilkii Yaraa: waxaan ka imid dhulkan balaaran ee illaahay abuuray meel ka mid ah uun baan ka imid.

Xajaaj: Wiilyahow waxaa ii sheegtaa carab yaa u karaamo badan? Yaa u deeqsimo badan oo u waxa bixin badan?

Wiilkii Yaraa: carab waxaa u deeqsinimo iyo karaamo badan waa qabiilka la yiraado banuu dayiq waayo waxaa ka dhashay xaatumul asam ninka la yiraado.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa carab yaa u sharaf badan?

Wiilkii Yaraa: waxaa u sharaf badan banuu mudar baa u sharaf badan waayo waxaa ka dhashay nabi muxamed (NNKHA).

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa carab yaa u geesimo badan?

Wiilkii Yaraa: carab waxaa u geesimo badan binu haashim waayo waxaa ka dhashay Cali Binu Abuu Daalib.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa carab yaa u ugu xun oo ug najaasaysan?

Wiilkii Yaraa: Carab waxaa ugu xun oo ugu najaasaysan qabiilka la yiraado banuu saqiif, waayo waxaa ka dhashay adiga oo xajaaj ah horana waxaa uga dhashay musaylam binu kadaab oo nabinimo sheegtay. xajaaj intuu aad u carooday ayuu dadkii meesha ka ag dhawaa ku yiri;

Xajaaj: Wiilkan madaxa ka gooya? Dadkii meesha joogay baa xajaaj ku yiri wiilku waa yar yahay ee maad iska daysid, xajaaj intuu caradii/xanaaqii waxogaa iska dajiyay ayuu ku yiri;

Xajaaj: Geelaagii geesaha lahaa ee aad raacaysa xaagad kaga soo tagtay?

Wiilkii Yaraa: Waxaa kaga soo tagay geelgii geesaha lahaa ee aan raacayay isagoo daaqaya geedka la yiraado “Suwaan” (suwaan waa geed aan caleen lahayn oo leh godax keliya)

Xajaaj: Intuu aad u qayliyay ayuu ku yiri, waryaa wiilyahow xunka ahi oon caqliga lahan “Suwaan” miyaanuu ahayn geed aan caleen lahayn oo qodox kaliya leh. Sidee buu geelgu u daaqayaa geed aan caleen lahayn?

Wiilkii Yaraa: Xajaajow, adiguna xageed ku aragtay geel geeso leh?, markaad geed aan caleen lahayn caleemo u diidayso.

Xajaaj: Wiilyahow quraanka ma xafiday?

Wiilkii Yaraa: quraanka markaan xafidaayo quraanka miyaa iga cararaayo.

Xajaaj: Wiilyahow quraanka ma kulmisay oo ma ururisay?

Wiilkii Yaraa: quraanka miyaa kal daadsanaa markaan ururinayo.

Xajaaj: Ma aadan fahmin su’aashayda miyaa?

wiilkii Yaraa: waxaa i tiraadaa quraan ma akhrisay, ma fahamtay, sidaas ii waydii suaasha.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa:

۞ Quraanka aayada ugu wayn..?

۞ Waxaaa kaloo ii sheegtaa aayad quraanka ugu xukunka dheer..?

۞ Quraanka aayad ugu cadaalada badan ii sheeg?

۞ Quraanka aayad marka la akhriyo ugu cabsida badan ii sheeg?

۞ Quraanka aayad marka la akhriyo ugu rajada badan ii sheeg?

۞ Waxaad ii sheegtaa aayada ay ku jiraan toban ayaadood oo ALLE (SW) waynidiisa lagu garanayo ay ku jiraan?

۞ Waxaa ii sheegtaa aayad ay ku jiraan been ay sheegeen ilmo nabi uu dhalay?

۞ Iyo aayada ay ku jirto run ay sheegeen yuuhuda iyo kiristaanku?

۞ Iyo aayad ay ku jirto ILLAHAY hadalkiis?

۞ Iyo aayad ay malaa’ig hadalkeedu ay ku jirto?

۞ Iyo aayad ay ku jirto hadalka ahlu januhu?

۞ Iyo aayad u hadalka ahlu naarku ku jirto?

۞ Iyo aayad hadalka ibliisku ku jirto?

Wiilkii Yaraa: Xajaajow idhagayso hadaba:

۞ Quraanka aayada ugu wayn waa aayatul Kursi.

۞ Aayada quraanka ugu xukunka dheer waa;

إِنَّ اللَّهَ يَأمُرُ بِالعَدلِ وَالإِحسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي القُربَى وَيَنهَى عَنِ الفَحشَاءِ وَالمُنكَرِ

An-Naxl 16:90) ۞ وَالبَغيِ يَعِظُكُم لَعَلَّكُم تَذَكَّرُونَ

{Eebe wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta qaraabada Wuxuuna reebi Xumaan iyo Munkar iyoGardarro, Wuuna idin Waanin inaad wax Xasuusataan}.

۞ Quraanka aayada ugu cadaalada badan waa;

۞ فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًۭا يَرَهُۥ

۞ وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍۢ شَرًّۭا يَرَهُۥ

{7. Ruuxiise wax yar oo khayr ah fala wuu arki. 8. Kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki}. Al-Zazalah 99:7-8)

۞ Quranka aayada marka la akhriyo ugu cabsida badan waa;

۞ أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ

{Ma wuxuu rajeeynaya Ruux kasta oo ka mid ah (oo Gaal ah) in la geliyo Jannnatu Naciima}. Al-Macaarij 38)

۞ Quraanka aayada marka la akhriyo ugu rajada badan waa;

قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ

{Waxaad ku dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftooda ha ka quusanina naxariista Eebe, Eebaa dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaaf badane oo naxariis badan}. Az-Zumar 53)

۞ Aayada ay ku jiraan toban ayaadood oo ALLE (SW) waynidiisa lagu garanayo ay ku jiraan waa;

۞ اِنَّ فِىۡ خَلۡقِ السَّمٰوٰتِ وَالۡاَرۡضِ وَاخۡتِلَافِ الَّيۡلِ وَالنَّهَارِ لَاٰيٰتٍ لِّاُولِىۡ الۡاَلۡبَابِ

{Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin ayaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh}. Aali-Cimraan 190)

۞ Aayada ay ku jiraan been ay sheegeen ilmo nabi uu dhalay waa;

وَجَاءُوا عَلَىٰ قَمِيصِهِ بِدَمٍ كَذِبٍ ۚ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ وَاللَّهُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ

{Waxayna la yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yiri (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkay guse) waa Samir fiican Eebaana lagakaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan}. Yuusuf 18)

۞ Aayada ay ku jirto run ay sheegeen yuuhuda iyo kiristaanku waa;

وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَىٰ عَلَىٰ شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَىٰ لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ

{Yuhuudu waxay dhaheen Nasaaro waxba ma aha, [Wax Diin ah ma heeystan] Nasaarana waxay dhaheen Yuhuudu wax ma aha, [Wax Diin ah ma heeystan] iyagoo akhrin Kitaabka (Tawreed iyo Injiilba) saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna «Gaaladii Carbeed», hadalkood oo kale, Eebana wuu kala xukumin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay iskudiidanaayeen}. Al-Baqarah 113)

۞ Aayada ay ku jirto ILLAHAY hadalkiis waa;

Ad-Dhāriyāt 56) ۞ وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ

{Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin}.

۞ Aayada ay ku jirto hadalka Nabiyada waa;

قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِن نَّحْنُ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۖ وَمَا كَانَ لَنَا أَن نَّأْتِيَكُم بِسُلْطَانٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ

{Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, xujana idlinma keeni karno idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu`miniintu}. Ibraahim 11)

۞ Aayada ay malaa’ig hadalkeedu ay ku jirto waa;

۞ قَالُوا سُبْحَانَكَ لاَ عِلْمَ لَنَا إِلاَّ مَا عَلَّمْتَنَا إِنَّكَ أَنْتَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ

{Waxayna dheheen nasahnidaada Eebow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu Allaha oge falsan}.Al-Baqarah 32)

۞ Aayada ay ku jirto hadalka ahlu januhu waa;

۞ وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَذْهَبَ عَنَّا الْحَزَنَ ۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٌ شَكُورٌ

{Waxayna dhahaayaan waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi dhaaf badane, mahad badane}. Faadhir 34)

۞ Aayada ay hadalka ahlu naarku ku jirto waa;

۞ رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ

{Eebow naga Bixi Xaggeeda (Jahannama) Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah}. Al-Mu'minuun 107)

۞ Aayada hadalka ibliisku ku jirto waa;

۞ قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ

{Wuxuu Yiri (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yiri (Ibliis) anaa ka Khayr badan, (Adam) waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo}. Al-Acraaf 12)

Wiilkii yaraa ayaa uga jaawabay su’aalahee oo dhan si fiican ah xajaajna waa u la yaabay jawaabihee. Markii wiilkii intaas dhameeyay ayuu Xajaaj hadana sua'alo kale sii waydiiyay.

Xajaaj: Wiilyahow waxaa ii sheegtaa: qof laga abuuray hawada, iyo qof lagu bad-baadayiya hawo, iyo umada hawo (dabayl) lagu dilay?

Wiilkii Yaraa: Qofka hawo laga abuuray waa nabi Ciise (CS) oo neef baa laga abuuray, qofka hawada lagu bad-baadiyayna waa nabi Sulayman (CS) oo hawda ayuu loogu garaari jiray oo adeegsan jiray, qolada hawada ama dabaysha lagu halaagayna waa reer caad markii nabigii alle (SWT) u soo diray beeniyeen.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa: Shay geed laga abuuray iyo ruux geed lagu dilay iyo ruux geed lagu bad-baadiyay..?

Wiilkii Yaraa: Shayga geedka laga abuuray waa ushii nabi Muuse (cs) markii ay abeesada isu badashay. Ruuxa geedka lagu bad-baadiyayna waxaa uu ahaa nabi Nuux (CS) markii ay dhulka iyo cirkaba ay biyo xireen. Ruuxa geedka lagu dilayna waa nabi sakariye (CS) oo qawmkiis ay ku dileen siday u qaraacayeen.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa ruux biyo laga abuuray, ruux biyo dhexdooda lagu bad-baadiyay iyo ruux biyo lagu halaagay?

Wiilkii Yaraa: Waxaa biyo laga abuuray nabi Aadam (CS), waxaa biyo lagu bad-badiyay nabi Muuse (CS), waxaa biyo lagu halaagay fircoon iyo qoomkiis.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa: cid naarta laga abuuray, iyo qof naar laga bad-baadiyay?

Wiilkii Yaraa: Waxaa naar laga abuuray ibliis, waxaana naar laga bad-badiyay nabi ibraahim (CS) markii qoomkiisu ku tureen.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa: Wabiyada janada iyo tiradooda inta ay yiheen?

Wiilkii Yaraa: Wabiyada janada aad bay u tiro badan yihiin oo illahay uun baa tiradooda garanaya (saw). Alle so ma dhihin "janada waxaa ku jira wabiyo aan biyahoodu is badalayn, kuwa caano aan dhadhankoodu anuu isbadalayn, iyo kuwa wabiyo khamri ah oo qofka cabaa u dhandhansanyso, iyo wabiyaal malab ah oo saafi ah". Wabiyaashaa dhamaantooda waxay ka soo burqadaan hal meel, iygoo ah caano, khamri, biyo, iyo malab isla ah, iskumana darsamaan. Mid la mid ah kuwaas hal meela ka wada yimaada oo isku darsamayn oo kalane aduunyada ayaa laga helaa, waa madaxa qofka waayo wabiyo dhadhankoodu waa macaan, wabiyona waa kharaar, wabiyona waa dhanaan, madaxa qofkana waxaa ka yimaada candhuuf waa macaan, ilinta qofka isha ka timaadana waa dhanaan, halka dukayga qofka dhagta ka yimaadana uu yahay kharaar. Dhamaantoodan waxay ka wada yimaadaan madaxa hadan iskuma darsamaan.

Xajaaj: Ahlu janahu way cabaan, waanay cunaan cuntooyin kale nooca ah mana saxaroodaan, ee waxaa ii sheegtaa ruux dunida jooga oo inta uu cuno, cabo hadana aan saxaroon sida Ahlu janaha oo kale?

Wiilkii Yaraa: Haa waa laga helaa dunida oo waa ilmaha yar ee uurka hooyada ku jiro, ilmaha yar waay cabaan, waayna cunaan hadan ma saxroodaan.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa dhiigii ugu horeeyay ee dunida ku dibca markii aadam alle SW abuuray ka dib?

Wiilkii Yaraa: Waxaa uu ahaa dhiigaasi dhiigii hooyadeen xaawa ee xaydka ahaa isagaan ugu horeeyay dhiig dunida ku dhibca.

Xajaaj: Wiilyahow bal:

۞ Caqliga binu aadamiga wax iiga sheeg?

۞ Iimaanka wax iiga sheeg?

۞ Xishoodka wax iiga sheeg?

۞ Deeqsinimada wax iiga sheeg?

۞ Geesinimada wax iiga sheeg?

۞ Karaamada iyo sharafka wax iiga sheeg?

۞ Shahwada iyo qooqana wax iiga sheeg?

Wiilkii Yara: Hadaan waxa kaaga sheego:

۞ Caqliga illahay toban buu u qaybiyay, sagaal raga la siiyay halna dumarkaa ayaa la siiyay.

۞ Iimaanka illahay toban buu u qaybiyay sagaal reer yeman baa la siiyay halna aduunka kalaa loo qaybiyay.

۞ Xishoodka illahay toban buu u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa ayaa la siiyay.

۞ Deeqsinimada illahay waxa uu u qaybiyay toban sagaal raga ayaa la siiyay halna dumarkaa la siiyay,

۞ Geesinimada illahay toban buu u qaybiyay sagaal carab baa la siiyay halna dunida kale oo dhan ayaa la siiyay.

۞ Shahwada iyo qooqana illahay toban buu u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa ayaa la siiyay.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa: wax sanadkii hal mar kugu waajib ah? iyo wax noloshaada oo dhan hal mar kugu waajib ah? Iyo waxa hada adiga agtaada kuugu dhaw?

Wiilkii Yaraa: Waxa sanadkii hal mar waajib kugu ah waa soomka, waxa noloshaada oo dhan hal mar waajibi kugu ah waa inaad bayta illahay oogto oo soo xajido, waxa hada aniga iigu dhawna waa geeri ama inaan aakhiro tago aayaa iigu dhaw, ama inay naftu iga baxado.

Xajaaj: Subaxaanallah! illahay ayaa xumaan ka fog qofkuu doona ayuu xikmada iyo cilmi siiyaa, ma arkin adiga wiil cilmi iyo caqli iyo kaa garsho badan.

Wiilkii Yaraa: Waan mudanahay in la i siyo.

Xajaaj: Waxaad ii sheegtaa: Dadka yaa uku xaqnimo badan inay wax xuqmiyaan?

Wiilkii Yaara: Dadaka waxaa uku xaqnimo badan inay wax xuqmiyaan, kan dadka markay kaldamaan iska cafiyo wanaaqna u ku badalo, lawada qof is heysatana cadaalad u sameeyo.

Xajaaj: waxaad wax iiga sheegtaa dumarka?

Wiilkii Yaraa: Xajaajow wali waan yarahay oo dumar maan guursan lakiin waxaa ka aqaan ayaan wax kaaga sheegi oo dadka aan ka maqlay. Xajaajow hadii aad hesho gabadh toban jir ah waxaa haysaa xuural cay nee ha sii dayn, hadii aad hesho gabadh labaatn jir ah, waxaad haysaa qurux la daawado ee ha sii dayn, hadii aad hesho gabadh sodon jir, jano iyo barwaaqo ayaad gacanta ku dhiqtay, hadii aad hesho gabadh afartan jir, cad iyo cadeen iyo baruur baad gacanta ku heeysa, hadii aad hesho gabadh konton jir, wiilal iyo gabadh waad heshay, hadii aad hesho gabadh lixdan jir, maxaa ika weydiinee Xajaajow dan iyo faa'iido maa kugu jirto, hadii aad hesho gabadh toddobaatan jir iyo siddeetan jirna waa cajooso gawoowdee iskaga fagoow oo ka carar,

sagaashan jirna waa shaydaanee ka tag, boqol jirna waa asxaabul jaxiimee iskaga carar.

Xajaaj ayaa qosol dheer la dhacay kadibna waxaa uu sii watay suaalihii waxaana uu yiri.

Xajaaj: Dumar tee baa ugu wanaagsan?

Wiilkii Yaraa: Dumar waxa ugu wanaagsan tan muuqalkeeda iyo dismaha jirkeeda iyo quruxdeeda ay ku qanciso, carrabkaydana oo fasiix u yahay aan ku jiren carrab gajo iyo shikshik, marka aay ku soo kaabishana ay kaa soo hor baxdo naaska iftiisa oo nooxnooxsado dhag dhag oo dhaho, marka ay sii jeesatana marada ay gadaal u sii rooxanto.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa: qofkii ugu horeeyay ee tiriyay gabay ama shicir? Iyo cidii ugu jaawabtay gabayka?

Wiilkii Yaraa: Waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee gabay am shicir tiriyay nabi Aadam (CS), gabay ahaa calacal oo ugu baroodiiqayay wiilkiisa uu dilay walalkii, waxana u jaawabay ibiliis oo taagnaa meel aan sidaas uga fogayn.

بكت عيني وحق لهــــا بكاها ******* ودمع العيـــــــــــن منــهمل يســـيح فما لي لا اجود بســــكب دمع ******* وهـــابيل تضــــمه الضـــــــــريح رمى قــــابيل هابيلاً اخـــــــــاه******* والحد في الثرى الوجـــه الصبيح تغيــــــرت البــــــلاد ومن عليها ****** فوجـــــــه الارض مغبراً كشـــيح تبــــدل كــــل ذي طـــــعمٍ ولون******* لفـــــقدك باصبــــــــيح ياملـــيح أيـــــا هـــــابيل إن تُقـــــتل فإني *******عليـــك الدهـــــر مُكتــئبٌ قريح فأنت حياة من في الأرض جميعاً ******* فقـــد فقــــــدوك ياروحً وريـــح وانــــت رجيح قـــدرٍ يا فصـيح ******** سلـــــيمٌ بل سميـــــح بل صبيح ولســـــت ميّـــــت بـــــل حـي ******** وقابيــل الشقــــــي هو الطريح عليــه السخـــط من رب البرايا ******** وانت علـــــيك تســــليمٌ صريح

................................................................

فأجابه إبليس اللعين يقول

تنوح على البلاد ومن عليــــها ******وفي الفردوس قد ضــــاق بك الفسيح وكنت بها وزوجك في نعــــــيم ******من المــــولى وقلــــــبك مســــتريح خدعتك في دهائي ثم مكري الى ******أن فاتــك العيـــــــــــش الرشـــــيح

{Indhahayga way ooyeen, xaq bay u leeyiheen in ay ooyaan*,

Isha illenteedana waay dhareereeysa*: Maxaa iku dhacay aan uku dheeqeeynin wiilkeeyga in aan illen u shubo/qulquliyo*,

Haabiilna dhulka hoostiisa iga maray*: Qaabiil waxaa u dhagax ku tuuray walaalkiis Haabiil*, Xadkana siduu muuqto wajigee ifmaayay wuu aasmay*: Aduunkuu dhan ayaa is bedelay iyo waxa ku dhul noola*, Dhulka dhoshiisa wuu isbedelay*: Mid walba dhadhan iyo midab lahaa wuu is bedelay*, Waan ku waayay kee wanaagsana aan jeclaayoow*:

Haabiilow haddee laku dilay, aniga*, Inta aan noolahay waan kuu tiirayoonayaa/murugoonayaa*: Waxaad tahay nolosha inta dhulka ku nool*, Kee carfaayoow wanaagsanaayow*: Waxaad tahay Ruux la waayay oo lo bahnaa*, Waxaad tahay Ruux magangeliyo iyo badbaado ku jiray, bal cafin badan baad aheeyd*: Matihid Ruux geeriyooday bal waad nooshahay*, Doqonka Qaabiil weeye kan dintay*: Carada Eebe dhushiisa haku dhacdo*, badbaado iyo nabad geliyo dhushaada ha ahaado}.

................................................................

Waxaa u jawaabay Ibliis/Shaydaan, wuxuu leeyahay:

{Waxaad ku qaylinaysa magaalooyinka iyo waxee ku dhul nool*, Jannaddiina cariiri kugu soo noqotay*: Jannu/Nicmad ayaad ku nooleyd adiga iyo naagtaada/xaaskaaga*, Eebaha/Allaha idin siyay, qalbigaagana waxa u ahaa mid iska istareexsan*: Waxaan kugu khiyaamay maskaxdayda iyo beentayda*, Noolashii fiicnayd oo barwaaqada badneeyd kaa soo gudubtay/ku soo dhaaftay}.

Xajaaj: Waxaa ii sheegtaa: Gabay ama shicir Carab tirisay midka ugu qiimaha badan?

Wiilkii Yaraa: Shicir Carab tirisay midka ugu qiimaha badan waxa uu ahaa midka uu tiriyay Xaatimul Dhaa'ii.

*واكرم الضيف حتما حين يطرقني ****** قبل العيال على عسر وايسار

{Waxaan karaamaynaya martida qasab ayaduu iku tahay markuu isoo garaco albaabka*, Inta aanan siin carruurtayda waxa aay doonayaan haddii faqri ama taajir aan ahay}

Xajaaj: wiilyahow cilimgaagii faraha badanaa waad noogu deeqday ee waxaa khasab ah inaan ku karaamayno oo aanu ku waanaajino, waxaan ku siinayaa kun diinaar, waxa kaloo ku siinaynaa dhar qurxoon, seef, gabadh iyo waliba faras.

Xajaaj waxa oo isu hadlay si hoos ah, waxaa u yiri hadii faraska qaato waa iga bad-baadayaa lakiin inta kale hadii uu qaato waan dilayaa.

Xajaaj: Wiilyahow kalo dooro alaabtan aan hadi-yad ahaan kuugu keenay, wiilkii yaraa intii uu kale dooranaayay ayaa gabadhii oo waxa la kalo doorinaayay ku jirtay tiri aniga I qaado wiilyahow maxay taryaan maro qurxoon, lacag, seef iyo faras anigaa kaaga wanaagsan ee aniga I qaado, waxaan kuu noqon doonaa gabadh aad ku raaxaysato oo raaliyo ahe.


 
 
 

Comments


Who's Behind The Blog
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon
BLOG OWNER
MOHAMED ABUKAR
  • Facebook Social Icon
  • Twitter Social Icon
  • YouTube Social  Icon
  • Instagram Social Icon
  • Google+ Social Icon

Like what you read? Follow and Donate now to help me provide fresh Stories & Analysis for my readers

Donate with PayPal

© 2016 by "Iftiins". Proudly created by Mohamed Abukar

bottom of page